Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Balcad

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe Koonfurta Soomaaliya waxa ay sheegayaan in gaari ay lasocdeen kolonyo ciidanka dawladda ah ay miino kula kacday inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in shan askari ay goorta ku quur baxeen halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas miinada loo adeegsaday.

Qaraxa ayaa ahaa mid waddada dhinaceeda la dhigay, waxaana uu la kacay mid kamid ah gaadiidka ay saarnaayeen ciidanka dawladda oo kusii jeeday degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli shalay qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Baladwayn ee maamulka Hirshabeelle, waxaana uu qaraxaas geystay khasaaro nafeed iyo mid maalba.