Min Bilow Ilaa Dhammaad Qaabkii Uu U Dhacay Qaraxii Maanta!

Qarax khasaaro geystay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho  gaar ahaan kasoo horjeedka hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa ahaa mid lasoo dhigay goobta kahor qaraxa, waxaana uu ku beegnaa maqaayad yar oo si aad ah ay dadka uga cunteeyaan sidoo kalena leh goob fadhi kudirir oo galbihii lasoo buux dhaafiyo.

Goobjooge ayaa u sheegay Shaaciye.com in gaariga uu ahaa mid raaxo, waxaana lasoo dhigay kasoo horjeedka Hotel Wehliye meel u dhaxeysa Dukaan yar oo bagaashka lagu iibiyo iyo maqaayad ay dumar ka shaqeeyaan.

Qaraxa ayaa dhacay bartilmaameed la’aan waxaana keliya kusugnaa goobta dad reyid ah kuwaas oo dhibaato ay kasoo gaartay.

“Guriga ayaan kujiray, wuxuuna u dhaw yahay halka ay wax ka dhaceen, waxaan usoo baxay dibadda, kaddib waxa aan arkay uuro madoow iyo mugdi boor watay oo goobta oo idil asqeeyay, marka aan soo ag istaagay goobtii ay waxka dhaceen keliya waxaa ay indhaheygu qabteen hal wiil oo dhaawac ah kaasna durba waxaa qaaday gaadiidka gurmadka, waxaan sheegi karaa keliya in khasaaro maaliyadeed ay goobta ka dhalatay, maxaa yeelay waa ay burbureen dhammaan mehradihii goobta ku agyaalay,” ayuu Shaaciye u sheegay Goobjooge magaciisa kusoo gaabiyay Galeyr.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka amaanka ayaa durba goobta soo gaaray, waxaana la isku dayay in la badbaadiyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, wixii warar ah ee kusoo kordha halkan nagalasoco.