Maxaad Kala Socotaa Heshiiska U Dhaxeeya UK Iyo Axmed Madoobe? (Sir Culus)

Danjiraha UK u fadhiya Soomaaliya Amb:-David Concar ayaa la kulmay madaxwaynaha keligii Taliyaha ah ee Axmed Madoobe kaas oo si iskiisa ah ula saxiixday dhiggiisa Ingiriiska.

Heshiiska labada dhinac ayaa ahaa mid afar  qodob mid ku qotama, hasa yeeshee qaar kamid ah dadka fallaqeeya siyaasadda ayaa aaminsan inuu heshiis wayn uu jiro oo u dhaxeeya labada dhinac.

Haddaba waxyaabo badan ayaan idin soo gudbineynaa hasa yeeshee akhriso afarta qodob ee ay ku heshiiyeen Dawladda UK iyo Jubbaland.

1-Furitaanka Xero Sirdoon oo ay wadaagi doonaan Sirdoonka Jubbaland iyo Britain.

2-Tababarada ciidamo labisan oo Sirdoon ah iyo dharcad oo ay yeelan doonto Jubbaland.

3-Is weydaarsiga macluumaadka Al-shabaabka ka sugan magaalada Kismaayo iyo Gobolada kale.

4-Keenida Khubaro Sirdoon oo garab siin doona Sirdoonka maamulka Jubbaland.