Mareykanka Oo Ka Digay In Mid ka mid ah Ciidanka Dowladaha Dariska Ay Ka Baxaan Soomaaliya?

Dowladda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay in ciidamda dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay xilligan ka baxaan Soomaaliya.

General Thomas Waldhauser oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Africom ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka bixi doonaan Soomaaliya, balse waxaa uu xusay in weli aan la gaarin waqtiga rasmiga ah ee bixitaankooda.

Mr Thomas ayaa sheegay in ay ka bixintaanka ciidamada Kenya ay suura gal noqon karta marka ciidamada xoogda dalka ee Soomaaliya ay awood u yeesheen sugida amniga guud ahaan dalka,isagoo intaasi ku daray in ay muhiim tahay in ciidamada Kenya ay u baxaan qaab xeeladeysan.

Isagoo ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Sturrgart ee dalka Jarmalka oo looga hadlayey ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayuu carabka ku dhuftay in aan laga laaban doonin qorshaha ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaliya.

General Thomas ayaa ku adkeystay in dhamaan dalalka ugu deeqday ciidamada Soomaaliya aysan weligood sii joogi doonin dalka oo ay bixi doonaan.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hore u sheegay in ciidamada xoogga ay la wareegayaan howsha ciidamada Midowga Afrika ay ka hayaan Soomaaliya.