DEG DEG:- Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in uu dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaan weli la caddeyn halka uu ku beegan yahay, hasa yeeshee warar is khilaafsan ayaa sheegaya in bartamaha magaalada gaar ahaan agagaarka degmada Hodan iyo Hawl Wadaag kubeegan yahay.

Si kastaba ha ahaatee wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.