Alshabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Degmada Balad-Xaawo

Kooxo Hubeysan oo Alshababa katirsan ayaa gacanta ku dhigay degmada Balad Xaawo ee xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in lagala wareegay ciidanka dawladda Soomaaliya oo halkaas muddo badankusugnaa kaddib dagaal aan loo kala harin oo ka dhacay degmadaas.

Khasaaro badan ayaa ka dhashay dagaalkaas, khadka taleefoonka magaaladaas ayaa hawada laga saaray ma jirto wada xiriir ama xog dhammeystiran oo laga heli karo.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.