Xildhibaannada Hirshabeelle Oo Shir Deg Deg Ah Ku Qabanaya Jowhar Iyo Doorashadii Maamulkaas Oo Dib U Dhacday

Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa si rasmi ah dib u dhigay doorashadii la filayay in ay dhawaan ka dhacdo Jowhar.

30-maalin oo ay guddiga doorashada carabka ku dhuften ayaa ku ekeyd 12-ka bishan, balse ugu dambeyn dib ayaa loo dhigay taas oo fursad u ah xildhibaannada iyo murashaxiinta u tartamaya booskaas.

Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa bishii hore August xilka kaqaaday madaxwaynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdulle Cosoble, kaas oo si iskiisa ah ugu dhawaaqay in uu yahay madaxwaynaha maamulka Hiiraanland oo dhawaan Baladwayne looga dhawaaqay.

Dastuurka maamulka Hirshabeelle wuxuu dhigayaa in 30-maalin lagu soo doorto madaxwaynaha haddii xilka laga qaado ama uu geeriyoodo, hasa yeeshee sida muuqata waa ay dib dhacday waana fursad kale oo ay helayaan 8-da murraxash ee u tartamaya xilkaas.