Wasiir Juxa oo la kulmay Sheekh Shariif” Muxuu Kala Hadlay wax Badan ka Ogoow?

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa  kulan kula qaatay hoygiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif  Sheekh Axmed oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

“Waxaan Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore dawladii Federaal-ka ku Meel-gaarka ahayd ee Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Muqdisho jooga” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in uu Sheekh Shariif kala hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa dhawaan yimid Magaalada Muqdisho waxaana Hoyga u degan yahay ku qul qulaya Siyaasiyiin  fara badan .