Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wadada Jeneraal Daa’uud

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa saaka dhagax dhigay Wadada Jeneraal Daa’uud oo isku xirta Taalada Daljirka Dahsoon illaa Wadada Sodonka.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in maamulkiisa uu dhisi doono wadadan iyo dhamaan waddooyinka kale ee bur buray ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mashaariic uu hirgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan dhismayaasha waddooyinka bur buray.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilligan wada dhismaha wadada 30-ka oo ah wado halbowle u ah isku xirka degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Wadada Jeneraal Daa’uud ayaa waxaa sanadkii 2012 dhagax dhigay Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif, iyadoo xilligaas Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ay gacan ka geysaneysay dhismaha wadadan, iyadoo u wakiilatay Telefishinka Universal, hase ahaatee mashruucaas ayaa noqday mid fashilmay oo aan hirgelin, lamana oga halka ku baxeen lacagihii laga soo uruuriyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.