Faah-faahin+ Sawirro: Laga soo qaaday Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Ka Dhacay Beledweyne?

Inta la Xaqiijiyey 15 qof ayaa dhawacantay 3 kalane wey ku dhimatay kadib qarax Ismiidaamin ah oo manta ka dhacay magalaada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qarax ayaa ka ka dhacay Maqaayad Shaaha lagu Cabo oo ku taalo Afaafka Hore Ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa waxaa warbaahinta u  xaqiijiyey Isku duwanaha wasaarada Caafimaadka ahna Agaasimaha Guud ee isbitaalka Baladweyne Dr Axmed Maxamed Khaliif.

Nin isku soo xirey Waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka Magaaladda Beledweyne ee  Gobolka Hiiraan, oo xiligaas aheyd mid aad u mashquul badan.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda beledweyne.