DEG DEG : Qarax ismiidaamin ah OO Baladweyne ka Dhacay Iyo Qasaaro Baddan oo ka dashay?

Ugu yaraan 4; Qof ayaa ku dhintay weerar ka dhacay magaalada Baladweyne waxaana ku dhaawacmay 10; qof oo kale.

Weerarka ayaa waxaa geystay Qof isa soo miidaamiyay,waxaana uu ku dhex qarxay Maqaayad ay dad badan ku ugnaayeen kana soo horjeedda Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira 3; Wariye oo ka kala shaqeynayay qaar ka mid ah Warbaahinta madaxabanaan ee Soomaaliyeed.

Dadka dhaawaca ah waxaa la geeyay Isbitaalka Magalaada Baladweyne halkaas oo xaaladdooda lagula tacaalayo,waxaana ku jira ku dhaawacooda daranyahay.

Taliyaha Xasilinta Gobolka Hiiraan Maxamed Jimcaale Xalane ; ayaa u sheegay Warbaahinta  in weerarka oo uu geystay qof isqarxiyay uu ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan,Maqaayad ka soo horjeedda.

Wariyayaasha Dhaawacmay waxaa ay kala yihiin; C/Shakuur Maxamed oo u shaqeynayay Idaacadda Starfm iyo Saabtv, C/Qaadir Cumar Ibraahim RTN iyo Simba iyo Cabdullahi Cismaan Macallin Jubaland TV  iyo codka hiiraan,waxaana xaaladdooda laga deyrinayaa labo ka mid ah Wariyayaashaas oo loo qaaday Isbitaalka AMISOM ay ku leedahay Baladweyne.