Akhriso:-Wiil uu Adeer u ahaa Raisulwasaarihii Hore ee Soomaliya oo Duqeyn Lagu Dilay

Saraakiisha Difaaca ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey dilka Faarax Maxamed Shirdoon oo ahaa Somali-Canadian kana Tirsanaa Kooxda la magac baxday dowlada islaamiga ee ka dagaalanta dalalka Siiriya iyo Iraq.

Farax mohamed ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn bishii July ee sannadkii 2015-kii ka dhacday magaalladda Mosul ee dalka Iraq.

Sarkaal u hadlay Xafiiska Arrimaha Dadweynaha ee Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ayaa warkaasi ku xaqiijiyey Wareysi uu siiyey Wargseyska Postmedia ee ka soo baxa magaalladda Toronto ee dalka Canada.

Faarax Maxamed Shirdoon oo adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia, Cabdi Farax Shirdoon “Saacid” waxa uu ku dhashay magaalladda Toronto ee dalka Kanada.

2014 ayaa beenoowday inuu dhintay Faarax Maxamed Faarax Shirdoon oo ah Somali haysta dhalasha dalka Canada oo uu Adeer u yahay raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kadib Warbaahinta caalamku sheegtay in lagu dilay dagaal ka dhacay Ciraaq, balse toddobaad ka hor ayuu ku qoray Barta Twitter-ka uu ku leeyahay inuu nool yahay oo aanu dhiman, Laakiin-se uu soo gaadhay dhaawac, balse uu hadda ka bogsaday oo uu fiican yahay.

Wiilkan ayaa waxa uu ka mid yahay tiro Dhalinyaro Soomaali ah oo ku biiray kooxaha  ISIS iyo Urur weynaha Alqaacida ee ka  dagaallama qaybo ka mid ah waddamada Ciraaq iyo Suuriya, waxaana Soomaalida ku biirtay kooxahaas ka mid ah Gabdho aad u da’ yar oo Soomaaliyeed oo kasoo tagay qaar ka tirsan waddamada Yurub oo ay Waxbarasho iyo Nolol fiican ku haysteen.