AKHRISO Warqaddii Uu Madaxwaynaha Soomaaliland Siilaanyo U Diray Dhiggiisa Myanmar

Warqad uu ku saxiixan yahay madaxwaynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed  Siilaanyo ayaa lagu dalbay in la joojiyo waxyaabaha banii Aadamnima ka baxa ah ee ay sameyneyso dawladda Burma.

Xukuumadda Myanmar ayaa beegsanaysay beryahan oo idil muslimka laga tirada badan yahay ee Rhingaha kuwaas oo ku nool dalka Myanmar.

Warqadda waxaa lagu codsaday in la joojiyo dhibaatada iyadoo la eegayo banii Aadamnimada iyo sidoo kale wada noolaashaha dadka kala diimaha ah.

Buddistaha kubadan dalka Burma ayaa xasuuq aan loo kala harin u geysta maalin kasta Muslimka laga tirada badan yahay ee Rhinga kuwaas oo laftigooda hadda bilaabay in ay iskaga hijroodaan dalkooda.

Sidoo kale waxa ay ka codsadeen in loo oggolaado in ay gaarsiiyaan caawinaad dheeri oo banii Aadamnimo, maadaama xaaladda ay aad u adag tahay markan.