Waa Sidee Xaalka Waddooyinka Gala Xarunta Golaha Shacabka Ee Muqdisho?

Waddooyinka soo gala xarunta Baarlamaanka SOomaaliya ee Villa Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay ammaankooda, waxaana gaadiidka loo diiday in ay maraan agagaarkaas.

Waxaa dib u furmaya maanta kalfadhigii Baarlamaanka, kaas oo laga yaabo in uu xilkiisa ku waayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre.

Isgoyska dabka horey uma dhaafi karo gaari shacab ah, sidoo kale mootooyinka saddex lugoodka ah ayaa laga mamnuucay halkaas, maadaama ay xaaladdu cakiran tahay.