Waa Kuwee Saddex-da Wasiir Ee Kasoo Horjeestay Go’aankii Ay Dawladda Ka Qaadatay Arrinta Qalbi Dhagax? (Xog Daahsoon)

Weli waxaa jiro oo cakiran arrintii Qalbi Dhagax, maanta ayaa ugu dambeysa golaha shacabka ay go’aan ka qaadan doonaa, maadaama si xaq darro ah dawladda ay gacanta ugu gelisay dhiggeeda Ethiopia.

Qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda Kheyrre ayaa si aad ah kaga soo horjeestay arrintaas, waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay sharci darro iyo qayaano qaran oo ay dalka u geysteen madaxdii masuulka ka ahayd arrintaas.

Wasiirrada ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dr Maryan Qaasim Axmed,  Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisinta, Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa dhammaan kasoo horjeestay sida aan ku heleyno warar hoose.

Juxxa oo raad-raadsanaya Kheyrre ayaa si kulul kaga hadlay arrintaas, wuxuuna ku tilmaamay in aysan ku qanacsaneyn waxa dhacay, maadaama ay qayaano qaran ay ahayd.