Sarkaal Caan Ah Oo Nabad Sugidda Ka Tirsan Oo La Dilay Iyo Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Dilkaas

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkii loo geystay taliyihii nabad sugidda degmada Kaxda iyo qaybo kamid ah degmada Tareeddishe.

Cumar Qadar oo ahaa taliyaha nabad sugidda degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa xalay lagu dilay xaafadda Weedoow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegay in ay dileen mid kamid ah saraakiisha ugu sareysay nabad sugidda, waxaana ay kutilmaameen in ay ahayd guul iyo arrin lagu farxo sida ay hadalka u dhigeen.

Dilka Taliyahan ayaa kusoo aadaya xilli 24-saacadood gudahooda Muqdisho lagu dilay mid kamid ah saraakiishii Booliska degmada Hodan oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Cali kaas oo isla degmadaas lagu dilay.