Kulankii Baarlamaanka Fedaraalka Somalia,oo baaqday Iyo Xog laga helaayo Sababta?

Kulankii maanta ay ku ballansanaayeen xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday Kooram la’aan kaddib markii ay soo xaadiri waayeen tiro ku filan in uu furmo.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa ahaa Arrinta wareejinta Qalbi-dhagax ee ay Xukuumadda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya sidoo kalena Golaha Wasiirrada Arbacadii sheegeen in ay ku saxnaayeen dhiibista Qalbi-dhagax.

Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda halka kuwo kalena ay difaacayeen go’aanka Xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka Shir Guddoomin lahaa ayaa sheegay in Fadhiga Baarlamaanka uu maangta u baaqday Kooram la’aan sidaasna uu fasax ku yahay maanta.