11.4 C
New York
Thursday, April 15, 2021
Home WARARKA MAANTA Haweeney Is Dishay Iyadoo Kujirta Facebook Live (Dhacdo Xanuun Badan)

Haweeney Is Dishay Iyadoo Kujirta Facebook Live (Dhacdo Xanuun Badan)

Razan waa haweeney u dhalatay dalka Syria, waxaana ay ka shaqeysan jirtay Gaziantep magaalada layiraahdo ee dalka Turkiga.

Haweeneydan ayaa is dishay iyadoo kujirtay Facebook-Live, sida ay werinayaan qaar kamid ah weriyayaasha hillinka Alcarabiya ee halkaas kusugnaa.

Dhulka ayeey ku dhacday Razan markii ay madaxa isku dhufatay, sida ay sheegayaan qaar kamid ah daawadayaashii tooska ugalasocday barteeda Facebook ga.

Sidoo kale qaar kamid ah goobjoogayaasha ayaa sheegaya in ay iska soo tuurtay dabaqa sare ee daarta ay saarneed, kaddibna ay u geeriyootay.

Muuqaal 40-daqiiqo soconayay ayaa muujinaya in Razan ay iska soo tuurtay daba, kaddibna durba loola cararay isbitaalkii ugu dhawaa, hasa yeeshee nasiib darro Razan waa ay naf baxday iyadoo weli kujirta Facebook- Live keeda.

Saaxiibbada Razan ayaa ku andacooday in wel wel iyo walbahaar uu ka tan badiyay Razan, taasna ay sabab u ahayd dhimashadeeda.