Dhageyso:Cumar C/rashiid oo Ka Hadlay Arinta Qalbi Dhagax iyo Eedeen Loo Jeediyay

Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Raisulwasaarihii  Hore ee Xukuumadda Soomaliya  oo la hadlayay laanta afka ee Soomaliga ee Voa-da ayaa ka hadlay arinta Sarkaal ka Tirsan Jamhadda ONLF  ee C/kariin Shiikh Muuse(Qalbi Dhagax) oo loo gacan galiyay Dowladda Ethopiaiyo iyo heshiisyo lagu eedeeyay xiligii Xukuumadiisa  in ay la gashay Dowladda Ethopia.

Waxa uu  beeniyay Cumar C/rashiid in wax heshiis ah oo maxaabis isdhaafsi ah ay Xukuumadiisa la gashay Dowlada Ethopia,isagoona carabka ku adkeeyay in ay ay kawada hadleen xiligaas dagaalo beeleedyo ka dhacay xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago ismaamulka Soomalida Ethopia iyo qaabkii loo xalin lahaa.

Dhanka kale Cumar C/rashiid Cali Raisulwasarihii ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in muwaadin Soomaliyeed loo gacan galiyo Dowladda Ethopia,islamarkaana Jamhadda ONLF lagu tilmaamo Urur Argagaxiso iyadoo caalamka uu aqoonsan yahay ururkaas mid u dagaalamaya Gobanimo .

Arinta Sarkaalka ka Tirsan Jamhadda ONLF  ee C/kariin Shiikh Muuse(Qalbi Dhagax) ayaa noqotay mida ugu hadal heynta badan Soomaliya, waxaana dhawaan Golaha wasiiraddda Xukuumadda Soomaliya ay meel mariyeen go’aankii Dowladda Soomaliya ay ku dhiibtay Qalbi Dhagax, iyagoona ku tilmaamay in uu kamid ah Argagaxisadda, xiriirna la ahaa Dagaalyahanada Al-shabaab, walow Al-shabaab ay eedeentaas ay beeniyeen.

Mahaan Hoose ka dhageyso