DEG DEG:- Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Dharkiinley Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkiinley waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay weerar kuqaadeen gaari uu saarnaa guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmada Dharkiiney

Guddoomiyaha ayaa la weeraray xilli uu saarnaa gaarigiisa, waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in uu geeriyooday mid kamid ah waardiyayaashiisa, iyo darawalkii waday gaarigiisa.

Wixii Warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.