Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa maanta booqasho aan horey loosii shaacin ku tagay xarunta Miletiriga ee Xera Agoon taas oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Waddooyinka soo gala halkaas iyo dhammaan waddooyinka waa wayn ee halbawlaha u ah magaalada ayaa la xiray, waxaana kormeerka madaxwaynaha uu yahay mid lagu dhiiro gelinayo ciidanka qalabka sida.
Guutooyin katirsan ciidanka ayuu salaan sharaf ka guddoomay, sidoo kale wuxuu wareystay saraakiil katirsan madaxda xeradaas.