Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday AMISOM Iyo Khasaaro Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Duleedka Mahadday

Idaacadda Afka Alshabaab ku hadasha ee Andalus ayaa baahisay in kooxdaas ay weerar ku qaadeen kollonyo ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo marayay duleedka degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe Soomaaliya.

Sida ku baxay wararkooda Saakay, weerarka ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso kaas oo waddada dhinaceed la dhigay kaddib waxa ay qabsatay gaari Taw ah kaas oo ciidanka Burundi ay lahaayeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka la yiraahdo Cali Fooldheere ee duleedka degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

11-askari ayaa ku geeriyootay ayeey leeyihiin warabaahinta Alshabaab, balse ma jiro dhanka AMISOM xaqiijinta khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas, inkastoo xilliga dhacdadan ay ahayd goor habeen ah.