Shirar Gooni Gooni Ah Oo Muqdisho Kasocda Iyo Kheyrre Oo Heysta Fursaddii Ugu Dambeysay Ee Uu Ku Difaacan Lahaa Booskiisa

Maalinta Berrito ayaa la filayaa in ay dib iskugu soo noqdaan golaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaase ajanddaha ugu wayn uu yahay ka hadlidda arrintii beryahan oo idil taagneyd ee Qalbi Dhagax.

Sidoo kale Waxaa kalsoonida in lagala noqdo ay suurta gal tahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre kaas oo waayay taageerada beeshiisa iyo sidoo kale aqlabbiyadda Baarlamaanka.

Xod xodasho iyo shirar gooni gooni ah ayaa kasocda magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotellada Jaziira, Shabeel, SYL iyo sidoo kale Villa Uganda oo ku dhex taalla xarunta madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee waa xaalad qaraar haddii ay kalsoonida kala noqdaan golaha shacabka ra’iisul wasaaraha oo xukuumaddiisu ay dhawaan uu jirsatay Lix bilood.