8-dii Febaraayo markii la doortay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, shacabka yar iyo weyn waxay ahaayeen kuwo aad ugu riyaaqay, ayaga oo ku taamayay in Soomaaliya ay horumar weyn sameyn doonto, islamarkaana ay heleen shaqsigii ay u baahnaayeen.
Balse maxaa dhacay?
Waxaa yimid isbedallo lama filaan ah, kadib markii dowladdii ku dhaqaaqday Talaabo lama filaan ah oo ka caraysiisay shacabka –kadib markii ,Muwaadin Soomaali ah Itoobiya u gacan gelisay Dowladda Farmaajo .
Warbaahinta Maxaaliga ah ayaa waxay sameysay qiimeyn ballaaran, kuna saabsan halka hadda ay shacabka ka joogaan dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Durba waxaa muuqanaya in shacabkii ku wada hadaaqayey Farmaajo ii geeya ay hadda inta badan leeyihiin FARMAAJO IGA QARIYA!.
Micnaha ayaa ah in dowladdan loo arkayey ineysan xiriir wanaagsan tusi doonin Dowladda Itoobiya, balse ay hadda tustay kalgacayl, aad u sarreeya Taaso aynaan sameyn Madaxdii ka horeysay Farmaajo maadama Qalbi dhagax oo Muqdisho sadax sano deegaan u aheyd u gacan galisay Xabashida Itoobiya .
Shacabka waxay sugayeen daraad kahor in Farmaajo uu qaadayo tallaab aan weli la arag, kuna wajahan cid walbo oo dhiibtay Qalbi Dhagax balse waxa lama filaan noqotay in Farmaajo qudhiisa wax badan ka ogaay dhiibiista qalbi dhagax.