Kooxo Hubeysan oo Dilal Kala Duwan Magaalada Muqdisho Ka Geestay Iyo Xog Laga helaayo?

Kooxo hubeysnaa bistoolado ayaa saacadihii la soo dhaafay waxey dilal kala duwan ka fuliyeen Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dilalkan ayaa siyaabo kala duwan waxey uga dhaceen Xaafado ka kala tirsan Degmooyinka Hodan iyo Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa u sheegay Warbaahinta in Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Cadaado.

Ninkan oo loo qaday dhawaac ahaan yaaa ku geeriyooday mid ka mid ah xarumaha Caafimaad ee Caasimaad  ku yaalla Muqdisho.

Dhinaca kale, Dabley hubeysan ayaa Degmada Dharkeenleey ku dilay nin la sheegay in uu la shaqeyn jiray Iskaashatooyinka Gaadiidka Gobolka Banaadir.

Ninkan ayaa dilkiisa waxuu ka dhacay Xaafada Tabakaayo Madoow ee Degmada Dharkeenleey.

Ilaa iyo had majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilalkan ka dhacay Caasimada Soomaaliya.