TOOS U Fiirso 27-sano kaddib Markii Ugu Horreysay Oo Ciyaar Rasmi Ah Muqdisho Xilli Habeen Ah Lagu Ciyaaro

Muddo dhawr iyo labaatan sanno oo Soomaaliya ay kajirtay colaado iyo Amni la’aan caawa ayaa lagu ciyaaray kulan garoonka Banaadir Ex Koonis, kaas oo tijaabo ahaan ay u ciyaarayeen kooxda kubbadda cagta ee Banaadir Sports Club iyo koox mataleysay gobolka Banaadir kuwaas oo isku diyaarinaya tartanka gobollada oo dhawaan ka furmi doona Kismaayo.

Wuxuu ahaa tallaabo wanaagsan oo uu qaaday maamulka Gobolka Banaadir kaas oo doonaya in hadda kaddib xilliga habeenkii ah la ciyaaro kulamada waa wayn ee horyaalka sidoo kalena jawdalka caadiga ah ee horyaalka ciyaaraha habeenkii lagu daro.

Waxaa la baajiyay kulan ciyaareed u dhaxeeyay degmooyinka Hodan iyo Waberi kaas sabab la xiriirta tijaabada xilliga habeenka ah iyo garoonkaas, maadaama laga yaabo in xilli habeen ah la ciyaaro kulankaas oo dhici doona berito oo Jimco ah.

Haddaba Hoos Ka Daawo Muuqaalka Tooska ah ee Ciyaartaas caawa ka dhaceysa Muqdisho.