War Deg Deg ah: Al-Shabaab oo Iska Fogeeyay inuu Wax Xiriir ah La Lahaa Qalbi Dhagax.

Ururka Al-Shabaab ayaa iska Fogeysay  war kasoo baxaya Dowladda Soomaliya ee ku aadanaa  in Sarkaalkii jabhada ONLF C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) ee dhawaan loo gacan geliyay dowladda Itoobiya uu xiriir la lalahaa Ururka  Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kaso baxay xafiiska warfaafintaUrurka  Al-Shabaab oo ay heshay warbaahinta  ayaa lagu yiri.

“Al-Shabaab waxay si adag iskaga fogeynayaan hadal kasoo yeeray Dowladda Farmaajo, kaas oo lagu sheegay in Shaqsiga lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse “Qalbidhagax” kana tirsan jabhada ONLF uu iskaashi la lahaa Al-Shabaab, ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhexmaray Cabdi Kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Ururka  Al-Shabaab. Waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo Dowladda Soomaliya  ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay ku keceen ee ahaa inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen Itoobiya”, ayaa lagu yiri war kasoo Al-shabaab.

Warka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ururka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Dowladda Federaalka Soomaliya ay sheegtay in Sarkaalkii jabhada ONLF C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) uu xiriir la lahaa Ururka A-shabaab islamarkaana uu falal amni daro uu ka waday Soomaliya.