Walaac Xooggan Oo Laga Muujiyay Muranka Ka Dhex Jira Maamulka Hirshabelle?

Cabdikariin Faarax (Dulmi Diid) oo ka mid ah Aqooyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Dibaddiisa,  ayaa sheegay in xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay Cali Cadullaahi Cosoble laga lahaa dano Siyaasadeed.

Aqooyahanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii ay xilka uga qaadeen xildhibaanada Maamulka Hirshabelle madaxweynihii maamulkaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay inta aan xilka laga qaadin Cali Cabdullaahi Cosoble in uu ku howlanaa arrimo la xiriiro hormarka maamulkaasi Hirshabelle  waa sida uu hadalka u dhigee.

Hadalkan ayaa imaanaya, xilli siyaasiin iyo waxgarad kala duwan ay horey u sheegeen in lagu deg degay xilka qaadistii madaxweyne Cosoble.

Dhanka kale  Madaxweynahii Xilka laga qaaday Cosoble, ayaa Magaalada Beledweyne ka wada  qorshe  lagu  fashilinayo Maamulkaasi.