Waa Kuwee Urur Diimeedka Ay Villa Somalia Lasocon La’dahay? (Kashifaad)

Tan iyo markii uu yimid Villa Somalia Farmaajo waxaa jiray in uu watay kooxo kala duwan oo ay isku soo barteen xilligii ololihiisii doorashada.

Saaxiibo uu kulahaa siyaasadda xilligii Sheekh Shariif, saaxiibo qurbaha ay iskala yimaadeen, kuwii xisbigii TAYO, iyo kuwa kale oo ahaa xertii Fahad Yaasiin oo dawladda Qatar ka dhaadhiciyay in la fangareeyo Farmaajo.

Fahad oo lawada ogsoon yahay in uu yahay qof katirsan urur diimeed Alictisaam ama Ictisaam ayaa door wanaagsan ka qaatay dawladda Farmaajo waxaana loo magacaabay agaasimaha VILLA SOMALIA.

Si lamid ah waxaa kuxigeen looga dhigay C/rasaaq Shoole oo ah siyaasi aan la arag hasa yeeshee sakiintiisa hoos ku wata, kaas oo isna ah qof ka tirsan ururka Ictisaam oo kamid ah ururrada haligay Soomaaliya xilligii burburka.
Sidoo kale waxaa jiro siyaasiyiin kale oo Ictisaam kamid ah kuwaas oo qas iyo qalaase kawada gudaha Villa Somalia ayna la socon la’dahay.

TAn iyo maalinkii la magacaabay Fahad Yaasiin waxaa jirta in uu soo saaray amarro looga guurinayo madaxtooyada mas’uuliyiinta daggan waxaana la aaminsan yahay in uu yahay keligii taliye aan cidna ka talis qaadan.

HAddii uu doonayo Farmaajo in ay dawladdiisa hor usocod noqoto waxaa waajib ku ah in uu diiradda saaro sidii uu iskaga fogeyn lahaa urur diimeedkan aan dabka yar shidin.