Sheekh Nuur Baaruud Oo Qarka U Saaran In Uu Mucaarad Ku Noqdo Dawladda Soomaaliya

Dawladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ururka ONLF ay yihiin kuwa argigixiso ah kuwaas oo lamid ah Alshabaab.

Hadalkan iyo go;aanka ayaa mid kamid kuwii ugu xumaa ee ay abid qaadato xukuumad Soomaaliya soo maamusha, maadaama ay ahaayeen kuwa xaq u dirir ah.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo aqoonyahanno aad u taageersan ururkaas, sidoo kalena dawladda kamid ah, waxaa ugu wayn Sheekha caanka ah ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo aad ula dhacsan ururkaas, waxaana laga yaabaa in uu aragtidaas ku mucaarado.

Sidoo kale Xildhibaan Sakariye Xaaji oo kamid ahaa murashaxiintii u tartantay doorashada Soomalaiya ayaa kamid ah siyaasiyiinta fikir ahaan taabacsan ururkaas ONLF, waxaana arrinta lagu duugayaa xasaradda iyo xiisaddii dhanka Qalbi Dhagax.

Si kastaba ha ahaatee xaalad cusub iyo jahwareer ayaa laga yaabaa in ay gasho siyaasadda Farmaajo iyo Kheyrre balse si ay ahaataba waan sugnaa sidey wax noqdaan