RASMI:- Kalfadhigii Baarlamaanka Ee Maanta Lagu Madalsanaa Oo Baaqday (Sababta)

C/kariin Xaaji Buux Xoghayaha golaha shacabka ayaa shaaca ka qaaday in uu maanta baaqday kalfadhigii baarlamaanka ay maanta ku lahaayeen xarunta golahaas ee magaalada Muqdisho.

15-kii bishii hore ee August ayeey dhammaan xildhibaannada fasax galeen, waxaana uu qorshaha ahaa in ay soo noqdaan marka la gaaro 6-September oo maanta ku beegan, hasa yeeshee xildhibaannada oo weli jira shaqooyinkooda kale iyo fasaxa ciidda oo aan weli dhammaan ayaa dib loo dhigay kalfadhiga koobaad ee baarlamaanka tan iyo fasaxoodii bishii hore.

waxaa la xaqiijiyay in 9-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo aaddan uu dhici doono kalfadhiga koobaad ee baarlamaanka oo fasaxa kasoo noqonaya.

Hawlo adag ayaa horyaalla oo ay kamid yihiin arrinta xaalkeedu faraha dhaafay ee Qalbi Dhagax iyo sidoo kale arrimo xooggan oo baarlamaanka horyaalla.