Rabshado Xalay ka dhacday Hargeysa Ka Dib Markii Booliska Isku dayeen in aay soo xiraan Sheekh Caana?

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaali-land ayaa soo sheegayo in xalay halkaasi laga maqlayay rasaas xoog leh oo u ridayeen Ciidanka Booliska Hargeysa waxaana sidoo kale la maqlayay Buuq iyo dhagxaan ay ridayaan Shacabka Hargeysa.

Isku dhaca shacabka iyo Ciidanka ayaa yimid kadib markii ay Ciidanka Booliska isku dayeen in ay soo qabtaan sida ay Warbaahinta u xaqiijiyay Goob Joogyaal Wadaadka lagu magacaabo Shiikh Aadan Sunni, waxaana ka hor tagay oo diidanaa in la xiro shaca ku sugan Hargeysa oo bilaabay in ay Booliska kaga hortagaan Tuuryo iyo banaanbax rabshada wata.

Ilaa hadda lama soo sheegin Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay balse waxaa la sheegay in uu hakad muddo galay isku Socodka gaadiidka iyo Dadka Magaalada Hargeysa oo Xiliyada Habeenkii ah aad u mashquul badan.

Lama oga waxa ay Ciidanka ka damacsanaayeen Wadaadka lagu magacaabo Shiikh Aadan Sunni basle waxaa la sheegay in aysan ku guuleysan soo qabashada Shiikhaasi, warar kale ayaa sheegaya in isla xalay ay Ciidanka qabteen Wadaadkaasi.

Shiikh Aadan Sunni ayaa ah wadaad caan ka ah Magaalada Hargeysa waxaana dhowr jeer la sheegay in uu ka hadlay Arimo la xariira Siyaadda Soomaali-land inkastoo ay jiraan warar kale oo ka imaanaya Hargeysa kuwaas oo sheegay in Shiikha Sabab u ahaa in Ciidanka Soo raadiyaan.

La soco wixii ku soo kordha.