Murusade Iyo Cayr Habar Gidir Oo Ku Heshiiyay Gogol Ay Alshabaab Dhigeen

Wareysi uu siiyay Idaacadda Afka Alshabaab ku hadasha ee Andalus Ugaaska ay kooxdaas Aqbalsan yihiin ee beesha Murusade Ugaas C/lahi Dahir Axmed ayaa sheegay in ay Alshabaab ka dhaadhiciyeen in ay diyo kala qaataan iyaga iyo beesha Cayr gaar ahaan Habar Eji.

Dagaal iyo dilal aano qabiil ku dhisnaa ayaa u dhaxeeyay labada reerood, ugu dambeyn gogol ay fidiyeen Alshabaab ayaa xal u noqotay labadaas qabiil oo kamid ah kuwa wada daga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Reerkasta waxa ay sheegteen waxa ay ka tabanayaan kuwa kale, mid kasta oo kamid ah wuxuu helay diyo dadkii looga dilay dagaalkii labada dhinac u dhaxeeyay bilihii lasoo dhaafay, waana mid kamid ah waxyaabaha ugu waa wayn ee ay qorayaan warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab.