Maxaad Kala Socotaa Afartii Qodob Ee Ugu Muhiimsanaa Heshiiskii Somaliya Iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya? (Sir iyo Kashifaad)

Madaxwaynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa daaha ka qaaday sirar iyo heshiisyo horey oo u dhex maray Soomaaliya iyo DDSI, kaas oo dadka inta badan aysan la socon.

Heshiisyada la galay kuma jirin sida uu leeyahay Guuleed in lakala baddasho maxaabbiista, sidaa darteeda mar haddii aysan kujirin wixii lagu heshiiyay wuxuu sheegay in ay qalad tahay dhiibidda Qalbi Dhagax oo uu ku tilmaamay in waddo qaldan loo maray.

Haddaba waxa aan dib idin xusuusineynaa afar qodob oo muhiim ahaa heshiiskaas kaas oo uu carabka ku dhuftay madaxwayne Guuleed.

1. In heahiiskaas uu ahaa mid u dhaxeeyay Labada Maamul Gobaleed ee mid guud oo Ethiopia iyo Soomaaliya u dhaxeeya uusan aheyn.


2. In heshiiskaas uu ahaa mid xalinayey xasaraddaas xudduudda ka dhacday iyo sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka iyo xasiloonida Xuduuddda labada dhinac, si loo xaqiijiyo ineysan arrimahaan oo kale aysan dib u dhicin.


3. In dhinacna dhinaca kale uusan wax dhib ah oga imaanin xaggiisa si amniga xuduudda loo adkeeyo.


4. Heshiiskaan marnaba kuma jirin kumana saabsaneyn wax maxaabiis is dhaafsi ah, maadaama laftigiisa (Cabdi Cumar) diiday in uu soo daayo maxaabbiis Galmudug Soomaali ah kuwaas xabsiyada maamulkaas kuxirnaa.

F.G:- Heshiiskan waxa aan kasoo Xigannay oo aan kasoo qaadnay barta Facebook- ee uu madaxwaynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ku leeyahay.