Farmaajo Oo Amray In Calanka Soomaaliya Laga Tirtiro Xiddigta Shanta Gees Leh, Lagana Dhigo Afar Gees (Haddaba Sidee Bay Ku Dhacday)

Go’aankii golaha wasiirrada Soomaaliya ay gaareen arrinta Qalbi Dhagax iyo ururka ONLF ayaa ahaa mid cid kasta ay la yaabtay maadaama uu Farmaajo siiyay afkiisa ku qayxay in ururkaas ay yihiin kuwa argigixiso ah, oo mudan in lala dagaalamo.

Haddii hadalkan uu yahay sidaas waxa ay ka dhigan tahay Soomaali Galbeed waxaa iskaleh Ethiopia oo waa ay qaldan yihiin ONLF maadaama ay raadinayaan in isku keenaan Shantii Soomaali.

Calanka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay xiddig  5-gees leh, taas oo ka dhigan shan waaxood oo Soomaalida ay u qaybsanto, sidaa darteeda mar haddii la yiri u dagaalanka Soomaali Galbeed waa dambi argigixisanimo la eg waxa ay ka dhigan tahay iyadoo gal gees laga tirtiray calankii xiddigta Shanta Gees lahaa.

Waa Waddani dhulkiisa aan gadan” iyo “Geesi Ethioipia neceb” wixii la dhahaba Farmaajo maanta wuxuu lasoo istaagay go’aan ah in Shantii gees ee xiddigta calanka ku sawirran ay tahay wax kama jiraan.