DEG DEG Dawladda Soomaaliya Oo Argigixiso U Aqoonsatay ONLF Kuna Tilmaamtay Dhiibiddii Qalbi Dhagax Mid Saxan

Dawladda Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan waali ah kaas oo ahaa in ay ku saxneyd dhiibiddii Qalbi Dhagax islamarkaana ururka ONLF ay yihiin kuwa argigixiso Ah.

Golaha wasiirrada ayaa isku raacay shir wakhtigiisa laga soo hormariyay, waxaana ay ku heshiiyeen in dawladda ay ku saxan tahay go’aankeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shir guddoominayay kulankaas xasaasiga ah, saakadii hore ilaa hadda ayaa la isla mari waayay, ugu dambeyn waxaa la isku raacay in shabadda Argigixisanimada lagu dhajiyo.

Waa mid kamid ah go’aamada waalida ah ee ay qaadatay dawladda, waxaana la aaminsan yahay in ay dhibaato kale ay horseedi doonto middan mar haddii ay argigixiso yihiin.