Akhriso:Golaha Wasiiradda Oo Kulan Deg Deg ah Ka Yeelanaya Arinta Qalbi Dhagax Iyo Xog Hordhac ah?

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre waxaa maanta dhacaya kulan deg deg ah oo ay isugu imaan doonaan Golaha Wasiiradda Xukuumaddda Federaalka Soomaliya, kaasi oo loogu hadli doono arinta C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax), oo dhawaan loo gacan galiyay Dowladda Ethopia.

Wararka ayaa  sheegaya in Golaha wasiradda  ay soo saari doonaan war murtiyeed la xiriira mowqifka dowladda ee dhibane Cabdikarin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kana hadli doonaan gacan gelintii Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Wararka ayaa sidoo kale ku waramaya in  Dowladda Federaalka Soomaliya ay cadaadis kala kulantay Dowladda ethopia ee ku aadan arinta  C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax),islamarkaana mowqifka Dowladda Ethopia uu yahay in Dowladda Soomaliya ay qirato in ninkaas ay iyada gacan galisay.

Qodobada laga yaaboin Dowladda Soomaliya ay soo saarto waxaa kamid ah.

  • In Qalbi Dhagax yahay danbiile shacab badan ku laayay deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, siduu horey u qiray madaxweynaha Dowladd Deegaanka Somaliya Ethopia.
  • In Qalbi Dhagax uu ka waday gudaha Soomaaliya abaabul dagaal oo ka dhan ah ismaamulka Soomaalida ee DDSi.
  • In Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA aay hayso caddeeymo in Qalbi Dhagax xiriir dhow la lahaa dagaalyahanada Al Shabaab.
  • in dawladdu sheegto in Itoobiya ay Maxaabiis Soomaali ah soo dhiibeen, iyaguna u dhiibeen qalbidhagax iyagoo raacinaya heshiiskii Galguduud.

Sidoo wararka ayaa sheegaya in Dowladda Soomaliya ay cuskan doonto heshiiskii dhawaan dhexmaray Dowladd deegaanka Somalida Ethopia iyo Madaxda Maamulka Galmudug , uu hor kacayay madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ,oo ujeedkoodii hore ahaa in lagu xalliyo dagaallo qabiil oo soo noqnoqday kana dhacay Gobolka Galgaduud ee bartamaha Somaliya iyo dhinaca killilka 5-aad ee Itoobiya ayaa waxay rabtaa in dawladda ay dadka Somaliyeed u sheegto inuu ahaa heshiiska ay ku dhiibeen Qalbidhagax.