War Deg deg ah: Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Sare oo Goor dhow lagu weeraray Muqdisho

Gaari uu leeyahay Sanator Xuseen Xaaji Cali ayaa lagu weeraray Agagaarka Isbitaalka Masaarida ee Degmada Hodon iyada oo Dadkii Gaari la socday ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Wadihii Gaariga,Wiil iyo Gabar la socday Gaariga Sanator Xuseen Xaaji Cali  oo isaga xilligaas la socday Gaariga la weeraray.

Sanatarka ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta  in isaga aysan waxba ka soo gaarin weerarkaas hayeeshee dad la saarnaa ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Dowladda ayaa goobta gaaray waxaana ay ceyrsadeen kooxda Gaariga weerartay oo Gari kale watay,israsaaseyn dhexmartay kaddib Kooxda weerarka geystay ayaa adeegsaday Bambaanooyin,waxaana ay Ciidamada dowladda ku qasabtay in ay iska soo laabtaan.

Wixii soo kordha la soco