Waa Kuma Wasiirkii Ugu Xumaa Abid Ee Abgaal Matala? (Muxuu Sifadaas Ku Muteystay)

Dhab ahaantii Beesha Abgaal waxa ay ahayd beel u saaxiib ah siyaasiyiin shaxda siyaasadda si hufan u ciyaari kara, balse tan iyo markii  la doortay Farmaajo oo Kheyrre isna ra’iisul wasaare laga dhigay Maxamed Abuukar Islow oo ah shakhsi kasoo jeeda beesha Abgaal ayaa loo magacaabay wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Tan iyo markaas Islow uma soo muuqan sidii siyaasiyiinta beesha Abgaal ay caanka ku ahaayeen, oo keliya wuxuu ahaa qof ku eg xafiiskiisa islamarkaana aan gal gal iyo saameeyn ku yeelan masraxa siyaasadda.

Tani waa jar uu maleegay Kheyrre uuna la og yahay Farmaajo, in beesha Abgaal aan la siinin siyaasi gal gal badan, oo qal qal gelinkara dawladdooda, mar haddii la ogyahay xasaannadda ay ku dhex leeyihiin beeshaas siyaasadda Soomaaliya.

Dhabtii hadda waa ay jiraan siyaasiyiin wanaagsan oo u qalma xilka ay qaranka iyo beeshooda u hayaan sida Thaabit Cabdi oo noqday mid kamid ah siyaasiyiinta dhallinyarada ah ee sida xawliga ah kusocda, si lamid ah Eng:- Yariisoow isna waxa uu qayb ka yahay siyaasiyiinta fara kutiriska ah ee beeshu ay leedahay marka la eego dhanka waxtarka iyo gal galka siyaasadeed.

Haddaba qoraal yarahan  waxa aan kusoo gaba gabeynayaa sheeko xilli hore ka dhacday mid kamid ah dhulka ay Soomaalida dagto, waxaana ay ku dhacday wiil dhallinyaro ah kaas oo dhanka kale ahaa qof caqli yar oo aan waxbadan lagu aaminin.

Maxamed Baadi ayaa la dhihi jiray sida taariikhda lagu weriyo, waxaana uu dagnaa dhulka Soomaalida Ethiopia, hasa yeeshee waxaa fajac iyo amakaag la dareemay markii uu Baadi ku biiray ciidanka Baanddada la dhihi jiray ee Taliyaanigu lahaa.

Dhallinyaradii ay isku xaafadda ahaayeen ayaa markay arkeen in baadi loo ogolaaday in uu askari Baando noqdo, waxa ay ku dhaanteeyeen tixdan yar”Markii Baadi Baando loo qoray, Maxaa Baando Baahi loo qabay?!” oo ay kala jeedaan markii Baadi la yiri baando noqon maxaa baando wax loo qoro loo baahnaa, marka waxa aan leeyahay markii “Islow Wasiir noqo la yiri maxaa qof wasiir u noqda Abgaal baahi loo qabay?!”

W/D:- Xuseen Madoobe