TIISA DARYEELAA TU KALE KU DARA Mohammed Deeyoo oo si qiiro leh ula hadlay Beesha Hawiye

Gacmo Geel jire hoos baa loo dhaqaa ka maqli jirey Odayaal koleey Geel jirayaal ahaa, waxaan la hadlayaa Dadkeenan reer Koofurka ah weliba inta u dhexeysa Mudug ilaa Shabellaha Hoose, Ilaah baa idinku dhaariyee ma waxaa nahey Taraafikada Somali weyn mise Qareenkooda u dooda, miyaan ka dad iyo dal jecelnahey Somalida aan magaca wadaagno, maka Caqli iyo aqoon badanahey, ma dhulka oo dhan baan ka leenahey mise waan ka wadanisanahey…???

Sababta aan su’aalahan mutaxan u keenay ayaa ah maxaan 90ka ugu qeylinaa Free Hebel ama Heblaayo, hadii lagu xiro Hargeysa ama Jabuuti ama Jigjiga ama xitaa Gaarisa, maxaan ugu mashquulnaa Somali kale iyo danahooda, anagoo teenii dayacan tahey oo dagaal iyo qarax dadkeenu ugu jiraan, su’aalaha kore hadii Jawaabtoodu wada yihiin HAAAAA inagaa ugu sidana uguna shidan waana sababta aan ugu doodno, ugu qeylino uguna mashquulno Dadkaas iyo Walaalahaas kale.

Bal aan isku cadeynee waxaan si hoose iyo si koreba u leeyahey Wallaahi been baa isku sheegnaye dhul Somali Degto inagaa ugu liidana dhinac Amni, Siyaasad, Horumar iyo xataa Dhaqaale marka laga reebo Alaabta taala suuqa Bakaaraha iyo Guryaha Qurxoon ee Xamar ku yaal.

Galkacyo ilaa Barawe inta u dhexeysaa waan wada ognahey waxa ka taagan dhinac kasta oo dib u dhac ah, sow ma haboona inaan ku mashquulno teena kadib aan iska wareysano tan guud ee nagala dhexeysa Somalida kale gees kastaba ha joogaane mise waxaan maalin walba faaqidnaa oo faraha ku taagnaa dad dhahaya war na daayee tiina qabsada.

Dowlada dhexe ee Xamar uun joogtaa waa shirko nagala dhexeysa Somalida, markaas baan anaguna iska dhaadhicinaa oo farqaha ugu dhaganahey sidi wax inoo gaar ah, aryaada Maamulkii inoo gaarka ahaa waa kuwaan ku silicsan Cadaado iyo Jowhar oo sida muuqata iska ah wax u eg magac u yaal la is hilmaansiinayo ee bal xooga ma saarnaa hanashada iyo hiigsiga dadkeenu u baahan yihiin mise waxaan iska tumanaa Durbaanka iyo Ciyaarta dhalanteedka ah ee aan uga danbeyno asaageen runtu waa lama huraane hadii kale Free Hebel baan camal aduunyo ka dhiganaa.

Waxaa nahey dad tiro, tayo badan iyo deegaan Qurxoon leh laakiin ay naga qaldan tahey Taatikada ama hab ciyaareedki aan ku gali laheyn garoomada, tusaale ahaan waxaan rabnaa inaan difaac ka ciyaarsiino weerar halka aan weerarkii la raadineyno iney wax difaacaan hadii ay sidaa dhacdana hubaal in ciyaaro badan nalaga badaniyo, waxaa fahmi karo dadka reer isboortiga ah.

Qof inuu Dadkiisa u digo ama la taliyo ma ahan ceeb iyo qabyaalad ee waa waajib ay Danta & Diintu qabto, ma diidani Somalinimo oo waan ku faanaa ee waxaa qalad ah inaan is laheysiino??.

Dawada & Runtu waa qaraar laakiin wax daweeya.

Maxamed  Deeyoo