Muxuu Yahay Mashruuca Wanaagsan Ee Aan Horey Loogu Arkin Soomaaliya Oo Uu Maanta Daahfuray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir?

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa bilaabay wejiga koobaad ee barnaamijkii shaqa Abuurka ahaa ee 1,000-qofood loogu talagalay.

Mashruucan oo horey uu u meel mariyay guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta oodda laga qaaday, waxaana ka faa’iideysan doona dhallinyaro rag iyo dumar iskugu jira kuwaas oo shaqo la’aan ah.

“Kun qofood ma ahan tiro badan marka aan ku jaangoyno tirada dhallinyarada shaqa la’aanta ah, hasa yeeshee waxa aan isku dayi doonaa in tani ay noqoto bilaw wanaagsan oo aan horey u qaadnay,” ayuu yiri Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee waa wejigii koobaad ee barnaamij noocan oo kale gobolka Banaadir uu ebid qabto, waa arrin ammaan iyo bogaadinteydu leeyahay guddoonka gobolka Mudane Thaabit Cabdi Maxamed.