Musuqmaasuq Baahsan Oo Hareeyay Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir oo la kashifay?

Maxamed Siyaad Dhoore oo ka mid ahaa xubnihii lagu aas aasay Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta Maxaaliga ah ayaa waxa uu sheegay in uu soo arkay dhibaatooyin badan oo ka taagan xafiisyada gaadiidka ee dowladda Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo ka faa’iideysanaya dhaqaalaha ka imaanaya xafiisyada iskaashatooyinka oo laga soo aruuriyo gaadiidleyda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maxamed Siyaad Dhoore ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya eysan waqti badan ku bixin ka hortaga dhibaatoyinkaasi, iyo musuqmaasuqa ka jira iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo fara galiyaan arrintaasi, si wax looga qabto dhibaatooyinka heysta gaadiidleyda Soomaaliyeed.