Maxaa ka soo Kordhay Hirshabelle”Gudiga Doorashada ma aqbali doono in la Carqaladeeyo Doorashada ?

Iyadoo Dhawaan la filayo in Magaalada Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa Arrintaas ka hadlay Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabelle.

Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashada Maamul Goboleedka Hirshabelle Abuukar Xasan Cali Maqaneey ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin in la Carqaladeeyo Doorashada Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Hirshabelle islamarkaana Dadka ku Howlan ay u digayaan.

Tan iyo Markii Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ay Xilka ka rideen Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa soo baxayay Khilaaf ka dhashay Xilka qaadistii Madaxweyne  Cosoble,iyadoo Dadka ku nool Gobolka Hiiraan ay sheegeen in Cosoble uu yahay Madaxweynaha Maamulka Hiiraan State.