Maxay Dawladda Soomaaliya Ka Damacsan Tahay Taliye Sanbalooshe?

Ilo wareed ku dhaw madaxtooyada ayaa u xaqiijiyay Shaaciye.com in ay socdaan qorshayaal lagu doonayo in lagu soo afmeero arrinta Qalbi Dhagax islamarkaana si dadka loo qanciyo la fuliyo go’aano waa wayn oo noqon kara qar iska tuur.

In Uu is casilo ama xilka laga xayuubiyo taliyaha nabad sugidda qaranka mudane Sanbalooshe in la xasaannad tiro qaar kamid ah shakhsiyaadkii ay Villa Somalia ku sheegtay in ay khayaaneen islamarkaana loo hoosaasiyay arrintaas.

Sanbaloosha oo horey heshiis loogula galay markii loo magacaabayay xilkan in aan la casili doonin ilaa ay dawladda ka dhacdo maadaama laga codsaday in uu iska soo dhigo xilka xildhibaannimo mar haddii laba jago aysan isla shaqeyneyn.

Ballanqaadkaas iyadoo laga duulayo dawladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa in ku cariiriso Sanbalooshe madaxtinimada Hirshabeelle, haddii uu doonayo in uu sii ahaado saaxada siyaasadda.

Todobaadkan ayaa laga yaabaa in uu iscasilo, hadalka ugu horreeya ee madaxda qaranka laga maqli doona wuxuu noqon doonaa xilka qaadis iyo casilaad lagu sameeyo qaar kamid ah siyaasiyiintii kulugyeeshay dhiibitaankii Qalbi Dhagax loo dhiibay Ethiopia.