Dumar Ku Guuleeystay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iyo Kan Gaashaandhigga Kaddib Isku Shaandheyntii Ra’iisul Wasaaraha

Axaddii ayeey ahayd markii Nirmala Sitharaman noqotay wasiirka gaashaandhigga dalka India, waana markii ugu horreysay ee ay gabadh qabato xil noocan oo kale dalkaas.

Indira Gandhi oo laba jeer oo kala duwan ra’iisul wasaare kasoo noqotay dalka India marka laga soo tago waa gabadha labaad ee qabata xilka ugu sareeya dhanka dumarka xukuumadda Delhi.

Sidoo kale¬†Sushma Swaraj ayaa noqotay wasiirka arrimaha dibadda dalka India, waana mid kamid ah hadal heynta ugu badan ee qaaradda Asia maadaama xukuumadda ra’iisul wasaare Modi ay door muhiim ah ka siiyeen haweenka marka la fiiriyo wasaarrada darajada koobaad ee dalkaas.

Maalintii Axadda ee ayno soo dhaafnay ayaa lasameeyay isku shaandheyn iyo kala saarid wasiirrada xukuumadda ra’iisul wasaare Naradra Modi, oo cadaadis badan uu saarnaa dhawaanahan.