DHACDO XANUUN BADAN” Hooyo Deeqo “Waxaa Kufsi Nagula Kacay Rag Ku Labisan Dareeska Ciidamada Dowladda?

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda ay Kufsi ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Waxaana deegaanka Farxaane oo hoostaga Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ,Maleeshiyaad hubeysan saacadihii la soo dhaafay ay Kufsi ugu geysteen ilaa 4 haween ah.

Hooyo Deeqo Yuusuf Jimcaale oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in 3 gabar oo ay dhashay iyo Iyada dabelydaasi hubeysan ay ku Kufsadeen deegaanka Farxaane ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay ku weerareen Guriga ay ka dagan tahay deegaankaasi.

Sidoo kale Hooyo Deeqo Yuusuf Jimcaale ayaa hoosta ka xariiqday in Will ay dhashay ay ka kaxeesteen, iyagoo sheegaya in uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab, islamarkaana ay ku xireen xero AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Arrimahan ayaa loo sababeynayaa aanooyin Qabiil iyo colaad beeleedyo weli ka jira deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.