Xildhibaan Abuukaate “ Khayre ayaa Raali Kaga Ah Cosoble Qalalaasaha Hir-shabeele?

Xilli madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi  Cosoble uu magaalada baladweyne kaga dhawaaqay maamul cusub ayaa waxaa soo baxayo nux nux iyo warar hoose oo tibaaxaya in R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uu ka gaabineyo xal u helida xiisada ka taagan maamulkaasi.

Maxamuud Abuukaate waa Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu   Warbaahinta u sheegay in xukuumada federaalka Soomaaliya ay raali kaga tahay qaska iyo qalalaasaha siyaasadeed ee uu madaxweynihii hore ee maamulkaasi ku hayo Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay aamusnaanta Xukuumadda ay ka aamustay xiisada siyaasadeed ee dhawaanahaani ka taagneyd maamulkaasi loo fasiran karo in aynan dan iyo heelo ka laheyn daganaashaha iyo xalinta xiisadahaasi.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamuud abuukaate ayaa madaxweynihii hore ee maamulka hirshabeele mr cosoble ugu baaqay in uu ka taliyo hormarka hirshabeele uuna qeyb ka noqdo xalinta xiisadahaasi.

Mas’uuliyiinta ugu sareyso maamulka hirshabeelle ayaa waxaa soo kala dhex galay mad madow taasi oo keentay in xildhibaanada baarlamanka maamulkaas ay xilka ka tuuraan cali Osoble oo todobaadkaan beledweyne kaga dhawaaqay Maamulka hiiraan-land.