Shimbir Loo Toogtay Darooga Ay U Sidday Xabsiga Dhexe Awgeed! (Sheeko Cajiib Ah)

Warar ka imaanaya magaalada Santa Rosa ee Gobolka La Pampa dalka Argentina waxa ay sheegayaan in Booliska ay toogteen Shimbir u wadday Daroogo dad xabsiileey ah.

Ciidanka Asluubta dalkaas oo magac ahaan loo yaqaano Colonia ayaa ka shakiyay maro cad oo caloosha kaga xirneyd shimbirtaas, taas ayaan keentay in la toogto, maadaama ay caado u lahaayeen dadka xabsiileyda ah in ay xayawaanaadka xitaa u adeegsadaan daroogada iyo maandooriyaha.

Markii toogasho lagu soo riday shimbirkan ayaa waxaa qeybta hoose ee caloosha lagu arkay maro lagu dul-dajiyay, oo la soo geliyay daroogo lagu qiyaasay 7.5 grams, oo ay wehliyeen 44 kaniini.

Haddaba daawo Sawirrada