Shakhsiyaadkii Hagayay Qaraxyadii Deegaanka Af-urur oo La Qabtay Iyo Xog Buuxda oo laga Helay?

Maamulka Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay shakhsiyaadkii hagayay iyo kuwii rakibay qaraxyadii maalintii Ciida lala beegsaday dad shacab ah iyo ciidamo katirsan Puntland oo ku sugaa tuulada Af-urur.

Taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland, gaashaanle dhexe Cabdirashiid Cabdirahim Ismaciil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arintaan ay ku qaadatay laamaha amaanka muddo 48-saac islamarkaana haatan gacanta lagu dhayo.

Taliyuhu wuxuu sheegay dadkaan la qabtay inay isugu jiraan rag iyo dumar, macluumaad kale oo intaan kasii badan ma uu sheegin.

Saraakiil ku xeel dheer xaga arrimaha ciidamada oo ka hadlay dhacdadii Af-urur ayaa sheegay inay jiraan dad Al-shabaab la shaqeeya oo ufudeeyay in qaraxyadaan goobta lagusii diyaariyo, waxayna Puntland ugu baaqeen inay aad ula socota dhaqdhaqaaqa dadka deegaanka iyo kuwa soo galaya.

Waxay sidoo kale ku booriyeen Taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland, gaashaanle dhexe Cabdirashiid Cabdirahim Ismaciil  inay ciidanku xiriir dhow la yeesho dadka deegaanka, si aan loogusoo adeegsan.