Muxuu Axmed Madoobe Kaga Hadli Waayay Arrinta Qalbi Dhagax? (Sir Culus)

Dhab ahaantii Jubbaland ayaa Soomaalida kale uga xaqnimo badan u doodidda arrinta Qalbi Dhagax, marka aan eegno xeerka Soomaalida ee dhigaya in qaab qabiil la isku baheysto, huwanna loo noqdo.

Hasa yeeshee ma aragno qaylidii iyo waddaniyaddii iska raadiska ahayd ee uu caanka ku ahaa hoggaamiyihii Jabhadka ahaa ee hadda maamula Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana ay tahay mid kamid ah su’aalaha la iska wayddiinayo arrintaas.

Haddii ay jirto arrintaas, waxa ay ahayd in uu meelaha lasoo istaago Axmed Madoobe, in ay xaq darro tahay xarigga iyo Ethiopia u dhiibidda Qalbi Dhagax.

Balse xiriirka u dhaxeeya labada nin ee ima adeerka ah ee Axmed Madoobe iyo Cabdi Cumar (Cabdi Illeey) oo ah madaxwaynaha dawlad Goboleedka Soomaalida Ethipia ayaa saamixi waayay in uu Axmed Madoobe ka hadlo arrintaas.

Sidoo kale xiriir wanaagsan ayuu la leeyahay dawladda Ethiopia, waxaase midda muhiimka ah in la taabto in Axmed Madoobe ay qabyaalladda ka tan badisay, maadaama uu doonayo in uu difaaco kursiga Daarood ee uu Farmaajo ku fadhiyo, kol haddii Qalbi Dhagax arrintiisa ay kasoo martay laba dhinac oo uu aad uga dambeeyo oo ah Ethiopia iyo Cabdi Cumar.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hadda loo baahan yahay in helo mas’uul Jubbaland ka tirsan oo kahadla arrintaas, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in Axmed Madoobe uu la dhacsan yahay qorshaha Itoobiya loogu gacan geliyay Qalbi Dhagax.